Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta dhowr jeerna lagu jabiyay maleeshiyaadkaasi Riddada ah ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Wirkoy iyo Towfiiq ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladan lagu jabiyay maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe lagu dilay taliye koox lagu magacaabi jiray Ismaaciil, kaas oo markii dhaawac culus uu kasoo gaaray weerarka mujaahidiinta balse markii dambe u geeriyooday, waxaa sidoo kale dagaalladaasi dhaawacyo ku noqday saddex kale oo murtadiin ah.
Dhanka Banaadir, mujaahidiintu waxay fuliyeen howlgallo kala duwan oo gaar ah, waxaana ka mid ah weerar caawa ay mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Sanca ee degmada Kaaraan, halkaas oo ay ku dileen Xasan Gorgor oo ka mid ahaa ergada xildhibaannada Riddada qeybta laga soo doortay gobalka Banaadir.
Howlgalka labaad ee gaarka ah waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, waxayna ku dileen askari ka tirsanaa maleyshiyaadka murtadiinta gaar ahaan ciidanka Danab ee uu sida gaarka ah u tabobartay Maraykanka, murtadkaasi oo lagu magacaabi jiray Aadan Macalin Cali.
Howlgalka saddexaad oo ka dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxay ciidanka mujaahidiintu ku khaarajiyeen Faarax Dhabareey oo ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta, dhanka Bakool na waxa ay ciidamada mujaahidiintu caawa dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Waajid.