Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa saaka weerar culus kula jarmaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Balcad ee wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, halkaas oo ay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaadka murtadiinta.
Weerarkan oo ahaa mid si wayn loo qorsheeyay ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loogu talagalay, waxayna ciidanka mujaahidiintu dagaal culus kaddib la wareegeen gacan ku haynta saldhigga degmada iyo inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Balcad.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay baaxadda uu la egyahay burburka uu gaystay weerarka saaka ay ciidanka mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Balcad, waana mid ka mid ah weerarada millatari ee ay mujaahidiintu fuliyaan bishan barakaysan ee Ramadaan.