Ciidamo isugu jira saliibiyiin Maraykan ah iyo murtazaqada murtadiinta ah ee Danab, ayaa weerar habeen dheelmad ah ku beegsaday dad rayid ah oo si nabadgalyo ah ugu sugnaa beer ay iyagu lahaayeen oo kutaalla deegaan hoostaga degmada Jannaale ee wilaayasda Sh/hoose.
Weerarkan cadowtooyo ayay saliibiyiinta Maraykanka iyo calooshood u shaqaysteyaashooda Danab ka fuliyeen beer kutaal deegaanka Hantiwadaag ee dhaca duleedka degmada Jannaale, waxayna halkasi ku dileen 4 xubnood oo rayid Beeraleey ah.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa Andalus qadka Taleefanka ugu sheegay in 4 qof ay huwanta saliibiyiinta Maraykanka iyo murtadiinta Danab ku dileen beer kutaal deegaanka Hantiwadaag, magacyadooda ayay waxgaradku ku kala sheegeen 1-Cali Cabdullaahi Muudey, 2-Cabdi, Baarey iyo Zubayr oo dhammaantood ahaa beerralay ciidanka saliibiyiinta Maraykanka iyo dhabadhilifyadoodana ay si bareer ah ugu dileen beertooda.
Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Waxgaradka Deegaanka Hantiwadaag.