Wadahadallo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya uga socday murtad Shariif Sheekh Axmed iyo murtad Xasan Gurguurte ayaa la shaaciyay in uu fashil kusoo dhamaaday.
War qoraal kasoo baxay madaxii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya Shariif murtad oo looga hadlayay wadahadallo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya uga socday isaga iyo madaxweynaha kooxda Ridada murtad Xasan Gurguurte, warkan ayaa lagu sheegay in ay fashil kusoo idlaadeen wadahadalladaas.
Murtad Shariif ayaa ku yiri qoraalkiisa: “dood dheer kadib, wax xal ah waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh”, wuxuuna intaas raaciyay in uu dalka marayo marxalad adag oo u baahan in wax laga qabto.
Fashilka ku yimid wadahadalladii u dhexeeyay labadaan murtad ayaa yimid kaddib markii saddex shuruudood oo adag uu Shariif murtad ku xiray Xasan Gurguurte, Shuruudaha waxaa ugu muhiimsanaa in la joojiyo wax ka badalka Dastuurka, in uu Puntland la heshiiyo iyo in la isla meel dhigo arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka kooxda Ridada, dhammaan qodobbadaas murtad Xassan Sheekh ayaa ku gacansayrey.