Dagaal culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta ka dhacay deegaanka Beero-yabaal ee dhaca duleedka degmada Buulo-burte ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen saraakiil iyo askar murtadiin ah.
Dagaalkaasi waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay sadex askari oo murtadiin ah oo uu ku jiray murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Macallin Garabeey oo ahaa horjooge Macawiisleyda Riddada Hiiraan ah, waxaana meydka sarkaalkaasi iyo qori iyo boosh uu watay looga cararay goobta dagaalka.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay dagaalkaasi kusoo qaniimeysteen 2 mooto oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada, dagaalladan lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada ee maanta ka dhacay duleedka Buulo-burte ayaa kusoo beegmaya xilli si guud maleeshiyada Riddada loogu jabiyay furimaha wilaayaadka dhaca bartamaha iyo koonfurta Somalia.