Wazaaradda la socodka musiibooyinka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gelinkii dambe ee maanta shaacisay dhimashada 33 qof iyo dhaawaca 27 kale, kuwaas oo ka dhashay daadad xooggan oo ku dhuftay deegaano badan oo ka tirsan dalka Afghanistan.
Wazaaraddu waxay warbixinteeda ku xaqiijisay in ku dhawaad 600 oo guri ay gabi ahaanba burbureen, kaddi markii ay halkaasi ku dhufteen daadadkii u dambeeyay, waxay sidoo kale wazaaraddu tilmaantay in daadadku ay sidoo kale gallaafteen nolasha tobaneeyo xoolo ah oo dalka ku dhaqan.
Masuul ka tirsan wazaaradda la socodka musiibooyinka imaarada ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay in dhul beereed ka badan 1,950 hektar ay baaba’een, ku dhawaad 1000 qoysna ay saamayn ku yeesheen roobabka iyo daadadka dalkaasi ku dhuftay.