Dhakhaatiirta caafimaadka ee ka howlgala ismaamulka Eldoret ee dalka Kenya ayaa Isniinta maanta ah waxay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada, taas oo qayb ka ah shaqa joojin socota oo ay ku dhawaaqeen bahda caafimaadku.
Dibad-baxyada ka dhacay waddooyinka Eldoret waxaa hoggaaminayay mas’uuliyiin ka tirsan (KMPDU), waxaa sidoo kale guddoomiyaha laantaasi Dr Kamonzi Mulei.
Sawirro lagu baahiyay mareegaha ayaa muujinayay dhakhaatiirta gadoodsan oo ka kala socda Cisbitaalka Moi Teaching and Referral Hospital, cisbitaallada magaalada, iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee ismaamulka Eldoret.
Sawirrada waxaa kasoo muuqday saraakiil caafimaad iyo kalkaaliyeyaal ka socday isbitaallada gobolka, kuwaas oo ka gadoodsan tallaabooyin ay saluugeen oo ay kala kulmeen dowladda Kenya.
“Waxaan kusii sugnaan doonnaa waddooyinka ilaa ay dowladdu ka fulinayso dalabaadkeenna,” waxaa sidaas warbaahinta maxalliga ah ku yiri Dr Mulei.
Dr Mueli oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in baahidooda ugu weyn ay tahay fulinta heshiis 2017 ay la galeen dowladda Kenya, kaas oo dib u dhacay, taasna ay keentay gadoodka bahda caafimaadka.
Shaqo joojinta ay ku dhawaaqeen dhakhaatiirta caafimaadka ayaa la wariyay inay socoto bishii 2-aad oo xiriir ah, taas oo curyaamisay inta badan cisbitaallada guud ee dalka Kenya.