Ciidamo fara badan oo dheeraad ah ayay dowladda Kenya gelisay heegaan buuxa, kuwaas oo loo daabulayo ismaamulka Mandheera oo dhulka Soomaalidu leedahay balse ay Kenya xoog ku haysato.
Dowladda Kenya ayaa ciidamadaasi heeganka gelisay, kaddib markii ay sheegeen in rag ka tirsan mujaahidiinta ay weerar ka fuliyeen meel u dhow Ceel-waaq, taas oo cabsi iyo argagax ku beertay dowladda.
Wargayska the Star ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya kasoo xigtay xogtaan, isaga oo xusay in ciidanka dheeraadka ah la geeyay qaybo ka mid ah ismaamulka Mandheera, si ay ammaanka u adkeeyaan.
Kenya ayaa ka cabsi qabta weeraro uu dhiig ku daato oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyaan gudaha dalkaasi, taas oo keenta in mar walba ay ciidamo dheeraad ah geeyaan soohdin beenaadka.