Dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa deegaannada ay isku horfafhiyaan maleeshiyaadka maamulka Soomaaliland iyo kuwa isugu yeera SSC-Khaatumo.
Labadan maamul ayaa ciidamo dheeraad ah kusoo daabulaya deegaannada ay isku hor fafhiyaan illaa sadex deegaan, halkaas oo la keenay ciidamo fara badan, iyadoo ay dhici karto in dhinacyadi ay foodda is daraan.
Buqdharkayn oo qiyaastii 180 Km u jitra magaalada Laascanood ee xarun goboleedka Sool, ayaa ka mid ah goobaha ay dhaqdhaaqyada ciidan ka socdaan.
Deegaanka Oog oo ay marto waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Burco iyo Laascaanood ayaa lasoo wariyay in laga dareemayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda.
Maamulka Soomaaliland ayaa sannadkii hore xoog looga saaray deegaanno badan oo dhaca gobolka Sool oo ay ugu horrayso magaalada Laascaanood, maamulka Muusa Biixi ayaa tan iyo xiligaasi wado dhaqaaqyo uu ku doonayo in uu kusoo ceshto deegaannada gacantiisa ka baxay.