Shacabka ku dhaqan xaafadda Cali-turcaaye ee ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dilal bareer ah, dhac, kufsi iyo jirdal ay kala kulmaan maleeshiyaad ka tirsan Riddada oo xeyo ciidan ku leh xaafaddaasi.
Qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan xaafaddaasi ayaa warbaahinta ka howlgsha Muqdisho u sheegay inay quus ka taaganyihiin dhibaatooyinka ay kala kulmayaan maleeshiyaadka loogu yeero Boolis Millataaro ee murtadiinta ah ee la dajiyay afarta jiho ee xaafadda Cali-turcaaye.
Qaarkood waxay sheegeen in dilalka bareerka ah, kufsiga joogtada ah, dhaca iyo burcadnimada ay gudaha xaafadaasi ka wadaan maleeshiyaadka Riddada ay ilmahooda ku qasabtay inaysan u baqoolin masaajidda iyo goobaha wax lagu barto, cabsi laga qabo maleeshiyaadka kooxda Riddada, qaar ayaa sheegay in laga dilay ubadkooda, halka qaarna la jirdilay.
Ma ahan dhacdo ugub ku ah xaafadaha magaalada Muqdisho, balse shacabka xaafadda Cali-turcaaye waxay imika ka sheeganayaan dhibaatooyinkaas ay sheegeen oo xarka goosad ah oo ka dhigay kuwa qarka u saaran inay ka guuraan guryahooda.