Khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ciidamada saliibiyiinta Kenya kasoo gaaray weerar qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Laamu, halkaas oo lagu qarxiyay kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in qaraxa lala beegsaday kolonyada saliibiyiinta Kenya uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Ishaakaani iyo Kaam-salaama ee gobalka Laamu, waxaana ciidanka Kenya goobta looga dilay ugu yaraan saddex askari, halka looga gubay gaari noociisu Loori yahay.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada kaas oo magaciisa lagu soo koobay Sahal.