Channelka wararka ee Al-kata’ib ayaa baahiyay muuqaal kooban oo uu kusoo bandhigay mashruuc lagu dabar-jarayo cayayaanka iyo kaneecada, kaas oo uu maamulka wilaayada islaamiga Hiiraan ka sameeyay degmada Buq-aqable ee dhacda galbeedka wilaayadaasi.
Muuqaalka oo ah mid kooban waxaad marka hore ku arkaysaa rag ku howlan diyaarinta mashruucaasi lagula cirib-tirayo cayayaanka iyo Kaneecada, kaddibna waxay isku qaybinayaan xaafadaha xaafadaha degmada Buq-Aqable, halkaas oo ay howlo nadaafadeed ka samaynayaan.