Hayad gaaleedka qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 kun oo Itoobiyaan ah ay ku barakaceen colaad xooggan oo ka dhex qaraxday ismaamullada Axmaarada iyo Tigreega, taas oo ka socota waqooyiga dalka Itoobiya.
Xafiiska xiriirka arrimaha bani’aadannimada ee Itoobiya u qaabilsan ururka qaramada midoobay ee lagu magacaabo (Otsha), ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in colaadda soo cosboonaatay ee u dhaxaysa ismaamullada Amhaea iyo TPLF ay ku barakaceen inka badan 50,000 oo labada qowmiyadood ah, si gaara goobaha dagaalladu ka socdaan ee Almaata iyo Raya.
Tirakoobkan ayuu xafiiskaasi diiwaan geliyay tan iy0 13-kii bishan Abriil, kolkaas oo ay dib u cosboonaatay colaadda u dhaxaysa labada dhinac, kaddib markii maleeshiyada jabhadda TPLF ay duullaan kusoo qaadeen Al-mata iyo Raya si ay dib ugu soo ceshtaan labadaasi magaalo, oo ah aag ay labadaasi qwomiyadood isku haystaan.
Xafiiskan ayaa maamulka mandiqadda kasoo xigtay in 42,000 oo barakacayaal ah ay kasoo carareen goobaha la isku hayo ee Koonfurta, kuwaas oo soo gaaray dekadda magaalada Kuubo ee dhacda waqooyiga Itoobiya, 8,300 oo kalena ay u barakaceen magaalada Saykato ee dhacda waqooyiga dalkaasi, dad ugu badan ee colaadda ku barakacayay ayuu xafiiskaasi ku sheegay inay yihiin, haween, caruur, waayeel iyo dhalinyaro.
Magaalada Alamata iyo nawaaxigeeda oo ah goobaha dagaalladu ka socdaan ayaa kuyaal mandiqada lagu muransan yahay ee Raya ee u dhaxeeya ismaamullada Tigreega iyo Axmaarada, halkaas oo 10 maalmood ka hor uu dagaal ku dhex maray dagaalyahano ka soo kala jeeda labada qoomiyadood.