Ganacsatada qaadka dalka Kenya oo si maaline ah lacago xad-dhaaf ah uga sameeya maandooriyaha sumaysan ee ay dalka soo galiyaan, ayaa si cad u sheegay inay doonayaan kalluun fresh ah oo laga soo saaray xeebaha Soomaaliya.
Kimathi Munchuri oo ah guddoomiyaha dallada qaadka ee Kenya, ayaa xilli uu ka qaybgalayay shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya sannakdna 2024 sheegay, inay yihiin jidka isku xira ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya.
Kimathi mar uu ka hadlayay sababta uu shirkan uga qayb galo ayuu yiri “Waxaan qorshaynay oo nalaga codsaday in aan kasoo qayb galno shirka maalgashiga Somalia ee sannadkan 2024-ka, waayo ka dallad ahaan waxaan matalnaa danaha beeraleyda qaadka Kenya, waxaana dareensannahay in aan nahay dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya. sidaas darteed na aan shirka uga soo qaybgalay.”.
Isagoo sii hadlayay ayuu raaciyay inay xiiseeyaan ganacsiga Soomaaliya, wuxuu xusay inay kasii mid ahaan doonaan waxa uu ugu yeeray Soomaaliyada koraysa oo uu ula jeedo nidaamka Riddada ee hadda jiro, oo dowladda Kenya horay ula galay heshiis ah inay dalka keenaan maandooriyaha qaadka sumeysan, taasi badalkeedana la siiyo kalluun Fresh ah oo laga soo saaray xeebaha Somalia.
Ganacsatada beeralayda qaadka Kenya, ayaa shirka ay ka qayb galeen ka sheegay inay doonayaan kalluunka oo ka mida khayraadka uu Allaah ku mannaystay dadka Soomaaliyeed, taas badalkeedana ay dalka soo galiyaan qaadka oo ah maandooriye halis ah oo badalay maanka dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.