Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay qaybta 37-aad muuqaallo taxane ah oo lagu soo bandhigayo gurmad kala duwan ah oo la gaarsiiyay dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee ku dhaqan wilaayaadka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Qaybtan 37-aad ee gurmadka fatahaadaha waxa uu guddiga maaraynta fatahaadaha mujaahidiinta gaarsiiyay dadka fatahaaddu saamaysay ee ku dhaqan deegaanka Mareeray ee hoostaga degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbada dhexe, halkaas oo gurmad noocyo kala duwan leh lagu gaarsiiyay dadka fatahaaddu saamaysay.