Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada islaamiga ah ee Gedo, ayaa weerar culus oo kamiin ah u dhigay askar ka tirsan maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, kuwaas oo kasoo baxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Weerarka ayaa maleeshiyadan ku qabsaday duleedka Luuq, waxaana kamiinka uu isku beddalay dagaal toos ah, kaas oo ugu dambayn lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada, inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay hal askari oo murtad ah, kaasi oo lagu magacaabi jiray Intiin Dhaarte.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerarkaas jid-galka ah ku dhaawaceen sarkaal taliye Urur ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Maxamed Daa’uud, maleeshiyaadka murtadiinta ayaa markii ay ku jabeen weerarkaasi kadib isaga cararay goobihii lagu dagaallamay.