Howlgal gaar ah oo rag ka tirsan ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarajiyay Gaashaanlle dhexe, murtad Aadan Axmed Cumar (Aadan Biid), kasi oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Riddada, haddana ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa qeybta tababarada xarunta Booliska dowladda Riddada ee (Iskuul Buluusiyo).
Sarkaalkan murtadka ah ayaa horay usoo noqday taliyaha booliska saldhigga xaruun goboleedka Baay ee Baydhaba, intii uu xilkaasi hayay waxa uu ku kacay tacadiyo kala duwan oo ka dhan ah bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Baydhaba.
Wuxuu sidoo kale Kornaylkan horay usoo noqday taliyaha Booliska Riddada ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu soo qabtay xilka ku xigeenka taliyaha maleeshiyada Riddada ee isugu yeerra (Baambeeyda Booliska).
Dhanka kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaa qarax culus oo mujaahidiintu la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya ah, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa Buurta Koomoole iyo magaalada Kaambooni ee dhaca xad beenaadka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya.
Inta la hubiyay waxaa qaraxaasi barakaysan lagu dilay todobo askari oo saliibiyiin Kenyaati ah, waxaa sidoo kale lagu gubay gaari Kooyal ah oo qori dhashiike ah uu ku rakibnaa.