Sheekh Cismaan Abuu Cabdiraxmaan oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bakool ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga tacsiyadeeyay istish-haadka Naqiib Cabdullaahi Maxamed Yare, oo hoggaan u ahaa dhaqanka beesha Ansaarta ah ee Hadame, kaasi oo ku shahiiday deegaanka Garasweyne ee hoostaga degmada Xudur ee wilaayada islaamiga ah ee Bakool.
Waaliga ayaa ugu horrayn ka warbixiyay sida ay u dhacday dhacdada uu ku shahiiday nabaddoonka, isagoo sheegay in maamulka wilaayadiisa uu wado howlgal lagu daadigoobayo cadowgii ka dambeysay falkaas cadowtooyo ee uu ku shahiiday malaaqa beesha Hadame, wuxuu caruurtiis, ehelkiisa, beesha Hadame ee uu hoggaanka u ahaa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah uga tacsiyadeeyay istish-haadka naqiibka.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Waaliga Wilaayada Bakool.