Ciidamada aad u hubeysan oo ka tirsan jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Jubbada hoose, ayaa manta weerar culus oo toos ah ku qaaday fariisin ciidan oo maleeshiyaadka maamul goboleedka Riddada ah ee Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo u dhacay sidii loo qosheeyay waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Wirkooy ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, lama helin faahfaahin intaas ka baxsan oo ku aaddan weerarka mujaahidiinta, balse markii uu howlgalku sidii loo qorsheeyay usoo idlaaday waxay ciidamada mujaahidiintu si nabadgalyo ah dib ugu noqdeen goobihii ay ka duullaan tageen.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Baay ay weerar culus oo qorsheysan ku qaadeen xero maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin Xero kowaad ee degmada Diinsoor, halkaas oo lagu dilay hal askari oo murtad ah.