Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa sheegay in weerar xoogan oo qarax ku billowday lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta.
Sarkaalkan oo ka tirsan booliiska ayaa sheegay in weerarka uu si gaar ah uga dhacay aagga Yumbis ee dhacda soohdin beenaadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, halkaas na looga dilay saraal ciidan, mid kalena looga dhaawacay.
Taliyaha ciidanka booliiska Kenya ugu magacaaban ismaamulka Garissa, John Samburumo, ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay in weerarkaasi oo ahaa mid culus ay ka dambeeyaan rag ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab.
Sarkaalka Kenyaanka ah ee weerarka lagu dilay ayuu wagayska Daily Nation magaciisa ku sheegay, Francis Ngugi kaas oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Booliiska ee dowladda Kenya, sarkaalka kale ee ku dhaawacmay weerarkaas ayay ku sheegeen Gilbert Bet.
Qaraxa kaddib, ayay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya sheegeen in weerar culus lagu ekeeyay ciidamo Kenyaan ah oo ku sugnaa aagga Yumbis, marka laga soo tago saraakiisha la dilay sidoo kalena la dhaawacay, saraakiisha u hadashay xukuumadda Nairobi waxay sheegeen in ragga weerarka gaystay ay qaniimeysteen hub iyo rassaas fara badan.