Xildhibaanno ka tirsan ismaamul goboleedka dowladda nasaarada Kenya uga dhisan gobolka Gaarissa ee dhlka NFD, ayaa daaha ka qaaday dhibaatooyin kala duwan oo ciidamada dowladdaasi ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Gaarissa iyo sidoo kale deegaannada hoostaga.
Waxay xildhibaannada si cad u sheegeen in ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa milatariga ay afduub kula kaceen dhalinyaro kunool gobolka, kuwaas oo qaarkood aan nolol iyo geeri ilaa imika lagu haynin, waxayna xaqiijiyeen in la afduubtay ilaa tobaneeyo dhalinyaro ah oo ku dhaqnaa gobolka.