Rabshado xooggan ayaa ka socda gobolka New Caledonia, kuwaas oo galay maalintii 3-aad oo xiriir ah, xilli dowladda Faransiiska oo uu gobolkan dhulweynaheeda raacsan yahay ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo lagu soo rogo New Caledonia.
Inta la hubo maanta oo kaliya isku dhacyadan hubeysan waxaa ku dhintay 4 xubnood oo uu ku jiro sarkaal booliis ah, kaddib markii ay iska hor’imaadyo dhexmareen booliska iyo dad rayid ah, ugu yaraan 60 kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay rabshadaha sida laga soo xigtay ilo wareedyo lka tirsan maamulka New Caledonia.
Wararku waxay intaas kusii darayaan in 214 qof lagu xiray iska hor’imaadkii khamiista maanta lala galay ciidanka booliska, kuwaas oo lagu eedeeyay dhac iyo rabshado, maamulka dowladda Faransiiska ee New Caledonia iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Paris ayaa eedayntaasi u jeediyay dadka kasoo horjeeda booliska.
Maamulka Paris, ayaa xoojiyay awoodda ciidamada ammaanka si ay u xakameeyaan qalalaasaha dhiigga badan ku daatay ee ka socda jasiiradahaNew Caledonia, kuwaas qeyb ka mid ah shacabka halkaasi ku dhaqan ay in muddo ah raadinayeen inay madax bannaani ka qaataan Faransiiska.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa go’aansaday inuu xaalad deg deg ah kusoo rogo New Caledonia ee rabshaduhu ka socdaan, kaas oo dhaca badweynta Baasifigga, halkaas oo ay ka socdaan isku dhacyo rabshado wata oo ay ku dhinteen tiro dad ah.
Rabshadaha gobolkan ka socda ayaa yimid, kaddib markii xildhibaanada xukuumadda Paris ay ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka, kaas oo u oggolaanaya dadka cusub ee imanaya jaziiradahaasi inay ka codeeyaan doorashooyinka gobollada, taasi oo ay dadweynaha si wayn kaga dhiidhiyeen.