Askar ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia, ayaa weerar ku qaaday dad shacab ah oo ku dhaqan deegaanka Garasbaalley ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhaawacmeen dad shacab ah, sidoo kalena dhac u gaysteen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa maleeshiyadan murtadiinta ah dhaawaceen ilaa laba qof oo kala ah Aabe iyo wiilkiisa ka gadaal markii ay ugu dhaceen goobtooda ganacsi, maleeshiyadaan murtadiinta ah waxay sidoo kale dhac u gaysteen alaabtii aabahaasi iyo wiilkiisa u yiillay dukaanka ay u dhaceen maleeshiyaadka murtadiinta.
Ilo wareedyo ku sugan deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho ayaa soo sheegay in markii maleeshiyaadka Riddada ay dhaca u gaysteen dukaanka kadib goobta loogu tagay abaha iyo wiilkiisa oo dhiig baxaya, loona qaaday goob caafimaad.
Maleeshiyaadka murtadiinta ayaa kordhiyay beegsiga ka dhanka ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada caasimada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, dhaca dadka rayidka ah ee ay maleeshiyadaasi gaysanayaan ayaana aad ugu soo badanaya Muqdisho iyo waddooyinka soo gala.