Duufaanno xooggan oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhuftay qaybo ka mid ah gobolka xeebta ah ee waddanka Kenya.
Duufaanta oo loogu magac daray (Ialy), ayaa ku dhufatay dhowr deegaan oo ka tirsan ismaamulka Kilifi ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof oo Kenyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 xubnood oo kale.
Booliska ismaamulka Kilifi ayaa warbixin uu soo saaray ku xaqiijiyay geerida gabar 4 sano jir ah, kaddib markii dabaysha duufaanta ay ku dhufatay xarun Iskuul oo ay dhiganaysay ,halka mid kale oo ka mid ah shaqaalaha ka howlgala ismaamulkaasi uu dhintay kadib markii uu kusoo dumay darbi uu ka agdhawaa.
Boolisku waxay sidoo kale sheegeen in laba xubnood oo shaqaale ah ay dhaawacmeen, kaddib markii uu dhagax kusoo dumay, taasi oo ka dhalatay dabaysha duufaanta, waxaana dadkaasi la geeyay cisbitaalka Mombasa, si halkaasi loogu dabiibo.
Dhacdo kale oo ka dhalatay duufaanta ayaa laga soo tabiyay tuulo lagu magacabaao Gogoraruhe oo ka tirsan deegaanka Kayafungo, ee ismaamulka Kilif, waxayna dabayshu burburisay darbiga dhisme, taasi oo keentay dhaawaca i;aa shan arday.
Caruurta dhaawaca ah ayaa la geeyay cisbitaalka Mariakani, halkaasi oo lagu daweynayo, waana halka ay ku geeriyootay gabadha afar sano jirka ah ee xaaladdeeda lala tacaalayay sida warbixinnadu sheegayaan.
Guddoomiye ku xigeenka Kenya ugu magacaaban gobolka Waqooyi ee Kilifi, Samuel Mutisya, ayaa warbahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in dhowr iskuul oo ismaamulkaasi kuyaal ay saameeyeen dabeylaha, burburiyeena dhismeyaal dhowr ah.