Weerar culus oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayay caawa mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ay ka dagganyihiin deegaanka Halgan ee ka dhaca bariga wilaayada Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus 0o dhexmaray ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab iyo ciidanka nasaarada xabashida Itoobiya.
Weerarka ayaa ahaa mid culus oo lagu kediyay ciidanka xabashida, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro gaaray ciidanka Itoobiyaanka ee caawa la weeraray, waana mid ka ah weerarada ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen saliibiyiinta xabashida ee qaybta ka ah isbahaysiga saliibiga ah ee ATMIS ee duullaanka shariico la dirirnimo ku joogaa Soomaaliya.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan xaafadda (Warsame Indhool), waxay ciidamada mujaahidiintu qaraxaasi la beegsadeen guri ay dagganaayeen maleeshiyaadka Riddada gaar ahaan kuwa “NISA” loogu yeero, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.