Iska hor’imaad hubeysan oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan maamulka ashahaada la dirirka Koonfur galbeed, ayaa maanta ka dhacay gudaha degmadaasi, halkaas oo saraakiil iyo askar ay isaga dileen.
Dagaalka ayaa qarxay saaka, labada maleeshiyo ee dagaallamay ayaa intii uu iska hor’imaadku u socday waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ilo wareed ku sugan degmada Bardaale ayaa soo sheegay in dagaalkaasi lagu kediyay maleeshiyaad daacad u ah Laftagareen oo ah madaxa maamulka Riddada Koonfur galbeed.
Saraakiisha iska hor’imaadka murtadiinta u dhaxeeyay lagu dilay waxaa ka mid ah Caliyow Booroow oo maamulka Laftagareen ugu magacownaa taliyaha booliska ee degmada Bardaale iyo askar kale, tirada guud ee dhimashada ayaa lagu sheegay 6 xubnood, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaallamay.
Sarkaal u hadlay maleeshiyada daacadda u ah C/casiis Laftagareen, ayaa xaqiijiyay in dagaalkii maanta ay kala kulmeen maleeshiyada kale ee khilaafku kala dhaxeeyo ay ku waayeen taliyihii booliska degmada Bardaale, taasi oo muujinayso in dagaalka looga itaal roonaaday ciidanka Laftagareen.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhaawacmeen ilaa 3 sarkaal oo kale, dagaalkan ayaana daba socda dagaallo culus oo gudaha degmadan horay ugu dhexmaray labadan maleeshiyo ee murtadiinta ah.