Wararka ka imaanaya dhulka gumeysiga ku haystaan Yahuudda, ayaa sheegaya in maanta uu dab ka kacay deegaan lagu magacaabo Waadi Al-saliib oo ku dheggan xarunta aqalka Knesset ee baarlamaanka maamulka Yahuuudda iyo waxa loogu yeero Matxafka sahyuuniyiinta oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Quddus ee barakaysan.
Waaxda dab-damiska ee maamulka gumeystaha ayaa ku dhawaaqday inay 23 shaqaale dab-demis ah iyo siddeed diyaaradood oo gurmad ah ay u direen goobta, si ay u damiyaan dabka, iyaga oo intaas ku daray in dabeysha jirta ay xaaladda ka dhigtay mid adag oo wakhtiga dabka sii dheeraysay.
Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen in dabka uu gaaray saqafka sare ee dhismaha waxa loogu yeero madxafka Yahuudda, halkaas oo si deg deg ah looga saaray shaqaalihii ka howlgalayay dhismahaasi, lana joojiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo midka dadka.
Ilaa iyo imka si rasmi ah looma sheegin sababta rasmiga ah ee keentay dabka, muuqaallo laga soo duubay goobta uu dabka ka kacay ee u dhow aqalka Knesset-ka Yahuudda ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.