Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, halka kuwa kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kaddib markii ciidamada maamulka gumeystaha Yahuudda ay weerar ku qaadeen mukhayamka Jeniin.
Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in cisbitaalka magaalada Jenin lasoo gaarsiiyay shuhada sadde xubnood oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo kala ah Dhaahir Maxamed Al-sacdi oo 21 sano jir ah, Ciise Naafiz Jalaad oo 17 sano jir ah iyo Cadey Ayman Marci oo 24 sano jir ah.
Ciidanka maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa sidoo kale intii ay howlgalkaan ku jireen waxay dhaawac u gaysteen 15 ruux oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo la geeyay cisbitaallada magaalada Jenin, 8 qof oo ka mid ah ayaa la geeyay cisbitaalka Al-razi laba mid ah ayaa la geeyay cisbitaalka Ibnu-siinaa, halka 5 kale la geeyay cisbitaal kale.
Saddexda Falastiiniyiinta ah, ayaa shahiiday xilli ay ku jireen iska caabin adag oo ay kaga hortageen duullaanka ciidanka sahaayinadu ku qaadeen magaalada Jeniin iyo mukhaymkeeda.