Sheekh Cabdiraxmaan Abuu Muscab, oo ah afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa shir jaraa’id oo uu caawa u qabtay warbaahinta ku faahfaahiyay weerararkii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhigyada murtadiinta ee degmada Ceeldheer ee dhacda bariga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, halkaas oo saraakiil iyo askar ka badan 59 xubnood looga dilay murtadiinta.
Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa shirkiisa jaraa’id ku diray fariimo kala duwan, kuwaas oo ku socda shacabka Soomaaliyeed, ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyada murtadiinta, sheekhu wuxuu baaq towbad keen ah u diray murtadiinta, isagoo dadka muslimiinta ah ugu bishaareeyay in uu nasrigu dhowyahay dowlad islaami ahna ay heli doonaan Insha’Allah.