Dowladda Riddada ah eeTurkiga ayaa cambaareysay weerarkii cagmarinta ahaa ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee lagu xasuuqay maleeshiyaadka Riddada, kuwaas oo qaarkood ay soo tabobartay sidoo kalena qalabaysay dowladda Riddada ah ee fadhigeedu yahay Ankara.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay, in dowladda Turkiga ay ka damqatay xasuuqii murtadiinta ku gaaray dagaalkii ka dhacay degmada Ceeldheer.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu yiri sidaan: “Waxaan aad uga xunahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii maanta (8 June) ka dhacay degmada Ceel-dheer ee Soomaaliya. Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi. Waxaan tacsi u direynaa qoysaska askartii ku dhimatay weerarkaasi. Turkiga wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga uu u fidinayo dowladda ridada ee Xasan Gurguurte”.
Dowladda Ridada ah ee Turkiga ayaa qalabaysay mid ka mid ah ururada maleeshiyadii murtadiinta ee cagta lagu mariyay saldhigyada degmada Ceeldheer waana murtazaqada uu isagu qalabeeyo ee Gorgor, kuwaas oo ku go’ay guluf dagaaleedka ka dhanka shareecada ee ay kusoo qaadeen wilaayaadka islaamiga ah.