Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala dhulka NFD, waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulo lagu magacaabo Bog-yar oo hoostagta deegaanka Dhadhaab ee gobolka Gaarisa oo ka mida dhulalka muslimiinta Soomaaliya ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Ciidamada mujaahidiintu intii uu howlgalkan socday waxay Allaah fadligiis khaarajiyeen ilaa 4 nin oo Kirishtaan Kenyaan ah, sida ay Andalus u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Dhanka soohdin beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxay faahfaahinno kasoo baxayaan dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen 2 xero oo maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah oo daacad u ah saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Kaambooni ee dhaca xad-beenaadka.
Dagaalkaas waxaa inta la xaqiijiyay Allaah fadligiis lagu dilay hal askari oo murtad ah, halka lagu dhaawacay askari kale, waxay sidoo kale mujaahidiintu dab qabadsiiyeen teendhooyin iyo hub murtadiinta u yiillay xerada la weeraray.