Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay fagaare kuyaal degmada Kurtun-waarey ee wilaayada Sh/hoose xukun xaddu Riddo dil ah kula fulisay 4 qof oo jawaasiis u ahaa sirdoonnada saliibiyiinta Maraykanka ee CIA iyo kuwa murtadiinta.
Boqollaal ka mida dadweynaha ku dhaqan degmada Kurtun-waarey ayaa soo buuxdhaafiyay fagaaraha, si ay ugu indha qabowsadaan cadaaladda la marsiinayay kooxdan, maadaama ay ahaayeen kuwa u bareeray daadinta dhiigga muslimiinta iyo inay dadka muslimiinta ah kusoo hoggaamiyaan saliibiyiin iyo murtadiin, waxay maxkamadda ka hor qirteen inay fuliyeen sidoo kalena ay ku howlanaayeen basaasidda muslimiinta ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah, waxaana xubnaha fagaaraha Kurtun-waarey lagu khaarajiyay ka mid ah mujrimkii ka dambeeyay dilka 15 qof oo ah gaadiidley shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee Sh/hoose, kuwaas oo ay si bareer ah u duqeeyeen diyaaradaha saliibiyiintu.
Waxayna kala ahaayeen xubnaha jawaasiista ee la khaarajiyay (1)-Maxamed yuusuf Maxamed (2)-Cali cabduqaadir Cali (3)-Cabdullahi xuseen xasan iyo (4)-Cabaas Cali sh/Maxamuud, waxayna dhammaantood ku kaceen kuna howlanaayeen falal ka dhan ah dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah, Allaah na uu addoomadiisa mujaahidiinta ah u suurageliyay in ay gacanta kusoo dhigaan iyagoo falalkaas ku howlan.
Halkan Ka Dhagayso Qiraallada Iyo Xukunka Maxkamadda Islaamiga Ah.