Xamze Cabdi Barre oo ah ra’iisul wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa madal uu kula hadlayay maleeshiyo ka tirsan kuwa loogu yeero Gorgor ka muujiyay in dhibaatooyinka haysta maleeshiyada kooxdiisu ay tahay tabobarada kala duwan ee ay bixiyaan dowladaha saliibiyiinta.
Murtad Xamze ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku tala jirto sidii loo midayn lahaa tabobarada ciidankeeda kala duwan, kuwaas oo qoleba ay dowad gaar ah wadato, bandiirad gaar ahna u samaysatay, balse madasha uu hadalkan ka jeedinayay ayaa qudheeda ahayd Xerada Tukisom loogu yeero ee maleeshiyada ku tabobarato Turkiga.
Murtadkan ayaa intii uu hadal jeedintiisa ku jiray tilmaamay in murtazaqada Turkigu carbiyay ay ku go’een furimaha dagaalka, wuxuuna si gaar ah u xusay in maleeshiyadan oo kaliya laga dilay boqollaal askari, kuwaas oo ku baxay gacanta mujaahidiinta.