Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya, ayaa dhintay halka garsoore ka tirsan maxkamadaha dowladdaasi la dhaawacay, kaddib toogasho ka dhacday mid ka mid ah xarumaha maxkamadeed ee magaalada Nairobi.
Sarkaalka dhintay oo booliska Kenya ka tirsan ayaa marka hore toogtay garsooraha maxkamad lagu magacaabo Makadara oo kutaal ismaamulka Nairobi, haweemayda lagu magacaabo Monica Kivuti.
Warbaahinta Kenya, waxay sheegtay in toogashada garsooraha lagu dhaawacay, ka dib rasaas la huwiyay sarkaalka booliis, taasi oo keentay in uu geeriyooda.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in sarkaalkan Kenyaanka ah uu ka carooday xukun lagu riday xaaskiisa, taasi oo buuq iyo gacan ka hadal ka dhex dhalisay xarunta maxkamadda.
Haweenayda garsooraha ah ee toogashada ku dhaawacantay ayaa dhaawaceeda la geeyay cisbitaalka magaalada Nayroobi, waxaana goobta gaaray saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista.