Maanta oo ay ku beegantahay 9,12,1445 waxaa Banka carafo taagan malaayiin xujey muslimiin ah si ay ugutaan rukniga ugu weyn ee Xajka.
Xujeyda oo kala luqad ah kala midab ah dhan walba ku kala duwan ayaa hal meel wada taagan waxa kaliya ee walaaleeya waa kalimadda Towxiidka.
Xukuumadda Sacuudiga waxay sheegtay in dad kabadan 2 milyan oo muslimiin ah ay sanadkan xajka gudanayaan,maanta gelinka dambe ayay xujeydu u dhaqaaqayaan dhanka Muzdalifa.
Muslimiin badan oo caalamka ku dhaqan oo aysan u suurta gelin in ay xaadiraan Xajka ayaa maanta oo taariikhdu tahay 9-ka bisha Carafo sooman maalinta carafo oo fadli dheeri ah leh.
Dhinaca kale muslimiinta caalamka ayaa maalinimada berri ah udabaal degaya munaasabadda ciiddul adxaa ee barakaysan,10-ka maalmood ee ugu horraysa bisha carafo ayaa ah maalmaha ugu kheyrka badan maalmaha ilaahey.