Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Abuu Cubeyda Axmad Cumar ayaa jeediyey kalimad ku saabsan munaasabadda ciidul Adxaa, taas oo la dhageysan karo muddo 40 daqiiqo ah. Kalimadiisa wuxuu ugu horeyn kusoo gudbiyey hambalyo iyo tahniyad ku aadan munaasabada ciidda oo ku socota guud ahaan muslimiinta caalamka iyo si gaar ah bulshada Soomaaliyeed.
“Munaasabadan awgeed, waxaan halkan sallaan diiran iyo tahniyada Ciidul-adxaa ee sannadka 1445 uga dirayaa dhamaan Muslimiinta meelwalba oo ay joogaan, uguna horreeyaan mujaahidiinta Allaah darti u dagaalamaya ee ku sugan furimaha kala duwan ee caalamka iyo hoggaankooda. Waxaan si gaar ah u salaamaynaa ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad meel walba oo ay joogaan waxaan leenahay: Illahay ha idinka aqbalo acmaasha saalixa iyo cibaadaatka aad gudateen 10 ka fadliga badan ee dulxijjah”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan bogaadin iyo salaan u dirayaa dhammaan mujaahidiinta bariga Afrika, waalidiintooda, xaasaskooda, caruurtooda, eheladooda iyo ansaarta mujaahidiinta meel walba oo ay dunida ka joogaan, waxaan iyaga leenahay Allaah ha idinka aqbalo jihaadkiina iyo guud ahaan acmaashiina.”
Sheekh Abuu Cubeyda ayaa kalimadiisa kusoo hadal qaaday gumaadka iyo xasuuqa lagu hayo dadka Muslimiinta ee reer Filistiin kuwaas oo uu sheegay inay wajahayaan cudwaan aanan horay loo arag, islamarkaana ay gargaar iyo garab ka waayeen dadkii walaalahood ahaa.
“Qof kasta oo Mulsim ah ha ogaado inay maanta waajib ka saarantahay uhiilinta, u gargaarka iyo garab istaagga walaalaheen mustadcafiinta ah ee lagu gumaadayo Gaza, waana mas’uuliyad maalinta aakhiro uu Allaah weydiin doono qof kasta oo walaalihiis ka hagraday wixii ay ka mudnaayeen, hadii ay ahaan lahayd hiil ama hanti ama hub ama duco iyo wixii lamid ah” ayuu yiri
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dhaliil xoogan u jeediyey dowladaha reer galbeedka ee garab taagan Yahuudda, wuxuuna yiri:
“Duullaanka Gaza wuxuu aduunyada horteeda ku fadeexeeyey kutlada qawleysatada ah ee xoogga ku heysta siyaasada hogaanka dunida oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaas oo ka xuubsiibtey halku-dhigyadii ay dadka ku marin habaabinayeen ee ahaa inay leeyihiin qiyam iyo mabaa’di una taagan yihiin dhawrida xuquuqda bani’aadamka, waxaa meesha ka baxay qawaaniinta ay u degsadeen inay umadda ku maquuniyaan”
Xaaladda Soomaaliya
Mar uu usoo daadegay xaaladda Soomaaliya ayuu Abuu Cubeyda hadalkiisa ku bilaabay: “ Waxaan muddo 30 sano ah Jihaad kula jirnaa dowladda saliibiyada ah ee Mareykanka iyo xulufadeeda, taas oo duullaano toos ah oo ay horkacayaan ciidankeeda iyo kuwa dadban oo ay usoo adeegsatay gaanshaabuurteeda ku soo qaaday dalkan. Marka laga yimaado cadaawada Islaam naceybka ah ee ay u qabto muslimiinta guud ahaan, cunsurka ugu weyn ee riixaya saliibiyiinta Mareykanka ayaa ah damac aargudasho ah oo aysan la gaban madaxdooda iyo saraakiishooda, waxayna ka sabri la’yihiin ciidankii iyo askartii looga laayey Muqdisho iyo bakhtigii looga jiiday wadooyinka Xamar.”
Wuxuu sheegay in Mareykanku uu 30 kii sano ee lasoo dhaafay dagaal ba’an kula jiray muslimiinta Soomaaliyeed, islamarkaana uu marba weji horleh iyo hagardaamo cusub soo maleegayey, mid walibana afka ciidda loo darayey ilaa la soo gaaro waqtigan oo uu adeegsanayo isbaheysiga isku magacaabay ATMIS, kuwaas oo iyaguna maanta raadinaya qorshe ay uga baxsadaan jaxiimada dagaalka ee Soomaaliya.
“Haddii aan taariikhda dhow dib u milicsano, Isbaheysiga saliibiga ah ee kusoo duulay Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii raadinayey tab iyo xeelad uu uga lug baxsado dagaalka Soomaaliya. Duullaankan oo dhaqaalihiisa uu bixnayey reergalbeedka, ciidankiisana laga soo daabulay wadamada Africa ayaa dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay la kulmayey dhiigbax dhaqaale iyo mid military oo lixaadleh, kadib markii Mujaahidiinta oo Allaah kaashanaya ay gunta u xirteen sidii loo hor istaagi lahaa gulufkooda, loogana difaaci lahaa dhulka Islaamka.” Ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Halgan hal-adeyg ku dheehan yahay iyo Geylan laysku hub qaatay oo aan loo kala harin kadib, waxaan maanta aragnaa duullaankoodii oo hankiisu jabay, himiladiisuna yaraatay, kana rajo dhigay inuu xaqiijiyo wax uun ka mid ah go’aanadii baadilka ahaa ee loosoo xariiqay”
Wuxuu digniin u diray dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee doonaya inay kusii baaqi noqdaan dalka marka lasoo gabagabeeyo howlgalka ATMIS, wuxuuna yiri: “ATMIS iyo dowladaha taageera ha ogaadaan in waqti kastoo la kordhiyaahi uu halaag ku noqon doono Allaah idankiisa, mujaahidiinta iyo qabaailka muslimka ahna ay dul u hayaan iney dagaalka sii wadaan illaa ay dalka idinka saaraan, kalmada Allaahna ay kor ahaato, shareecada islaamkana lagu maamulayo dalka.”
Wuxuu sheegay in Mareykanka iyo dowladaha reergalbeedka ay ku fashilmeen inay Soomaaliya ka hirgeliyaan dowladdii ay doonayeen. Wuxuu yiri: “Waxay soo dhoodhoobaan oo hadba dhinac kasoo canaantaan, dowladan ridada wey noqon weydey tii ay naawilayeen ee balaayiinta dollar ku bixiyeen. Waxayna ka dhaxleen nidaam khilaaf-ku-joog ah, musuqu daashaday, dawarsigana xirfad ka dhigtay iyo xukuumad taag daran oo aan xitaa ku filneyn ilaalinta amniga teendhada Afasiyooni ee ay madaxda ku doortaan, iskaba daa inay dalka oo idil nabad kusoo dabaalaane”
Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud
Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Abuu Cubeyda ayaa si kulul uga hadlay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu sheegay inay xaqiijin weysay ujeedooyinkii uu Mareykanku ka lahaa. Mar uu ka hadlayey xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Sheekh Abuu Cubeyda yiri:
“Doorashadii lagu qabtay xerada Xalane bishii May 2022, waxay ahayd tijaabo kale oo uu Mareykanku kusoo dardargelinayay duullaanka ka dhanka ah Muslimiinta Soomaaliya ee uu u taag waayey tobanaankii sano ee lasoo dhaafay. Saliibiyiinta Mareykanka ayaa ku rajaweynaa inay Soomaaliya ka hirgeliyaan tajribadii Ciraaq ee saxawaatka, balse Allaah ayaa dhagartooda kala dhantaalay”
Isagoo hadalkiisa wata ayuu yiri: “Allaah fadligiis, bilaashxeytihii ay soo caleema saareen oo hadda dhameystay kala bar fatrada xukunkiisa, ma xaqiijin hal sheey oo ka mid ah riyadii iyo rajadii ay saliibiyiintu ka maleynayeen. Waxa kaliya ee laga dhaxlay dowladda Xasan Murtad ayaa ah inuu halaag iyo burbur u horseeday ciidankii loo diyaarinayey inay difaac u noqdaan dowladiisa ka dib bixitaanka ATMIS, iyo inuu xaraashay hanti guud iyo mid gaar ah wixii dalku lahaa.”
Wuxuu ka hadlay dhul boobka iyo bililiqada baahsan ee xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ay ka geystay dalka labadii sano ee lasoo dhaafay iyo sidoo kale heshiisyada halista ah ee loo saxiixay dowladaha danaha ka leh Soomaaliya.
“Heshiisyadan waxaa ugu halis badan oo laga xusi karaa heshiisyada loo saxiixay Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Imaaraatka, Itoobiya, Kenya iyo Uganda. Heshiisyada loo meelmariyey dowladahan, waxaa lagu bedeshay oo kaliya, inay ballanqaadeen la dagaalanka Mujaahidiinta iyo inay kursiga u difaacaan Xasan Murtad, Laakiin waxaan leenahay midka ansixiyey iyo kan loo ansixiyeyba ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ.”
Wuxuu digniin u diray dowladaha iyo shirkadaha loo saxiixay heshiisyada wuxuuna yiri: “Dhamaan dowladaha iyo shirkadaha loo saxiixay qandaraasyada iyo heshiisyada, waxaan leenahay hakusoo hungoobina meel aysan wax idiinkaga horeyn, heshiis kasta iyo qandaraas kasta ay idiin saxiixday dowladda riddada waa baadil aan hirgaleynin. Ummada Soomaaliyeed waa inay ogaadaan in xukuumadda riddada ee uu hogaamiyo dal xaraashaha ay tahay mid u taagan hirgelinta danaha cadowga shisheeyaha ah , fulinaya qorshaha loo meeriyo isaga oo aan eegeynin dhibaatada umadda soomaaliyeed haysata.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu si kulul u weeraray Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna Sheekh Abuu Cubeyda yiri: “Waa murtad laga xaraashtay xoolihii dalku lahaa oo lagala wareegay dhaqaalihii dalka, hadana ku faanaya in deeyn laga cafiyey. Waa dulli lagu maamulo Chapter 7 oo hadana ku faanaya inuu jago ka helay golaha aan joogtada ahayn. Waa dawarsade ku faanaya in laga qaaday cunaqabateyntii hubka, hadana lagu aamin la’yahay hubka yaalla xeryaha ay isaga baxayaan ciidamada Afrikaanta.”
Wilaayaatka Islaamiga iyo Mujaahidiinta
Qeybaha dambe ee kalimada, wuxuu Sheekh Abuu Cubeyda ku bogaadiyey maamulada wilaayaatka Islaamiga iyo Mujaahidiinta ku ribaadaya furimaha dagaalka, wuxuuna yiri:
“Waxaan bogaadinayaa dawrka siyaasiga ah iyo abaabulka bulshada ee ay qaateen wilaayaadka islaamiga ah, waxaa cadowga dhabarjab ku aheyd isku duubnida ay muujiyeen qabaailka muslimka ah ee ku nool wilaayaadka islaamiga ah, iyo dowrka wanaagsan ee ay ka qaateen difaaca diinta iyo dalka. Waxey qabaa’ilku garab iyo gaashaan u ahaayeen wiilashooda mujaahidiinta ah, waxay naf iyo maalba ku bixiyeen welina ku bixinayaan jihaadka, waxaana leenahay Allaha idinka aqbalo camalkiina saalixa ah, waxaan idiin heynaa abaal aan lasoo koobi karin Ilaahay keliya ayaana gudi kara abaalkiina.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Wullaada, Nuqabada, Qabaailka, iyo jeyshka wilaayaadka kala ah Mudug, Galgaduud, iyo Sh. Dhexe, waxaan leeyahay Jazaakumullaahu kheyral Jazaa, waxaad baal dahab ah ka gasheen Taariikhda Jihaadka, waxaad tusaale u noqoteen wilaayaadka intooda kale, waxaad muujiseen midnimo aan kala har laheyn, wadatashi iyo is garabsi wadajira .”
Gunaanad
Sheekh Abuu Cubeyda ayaa gabagabadii bogaadiyey dagaalka adag ee ay ku jiraan ciidanka militaryga iyo kuwa amniga ee Xarkaada Al-Shabaab, wuxuuna yiri: “Allaah ha idinka aqbalo jihaadka iyo ribaadka adag ee aad ku kor yeeleysaan kalimada Allaah, malxamada iyo wacdaraha dagaal ee aad kala hortagteen murtadiinta iyo saliibiyiinta waa kuwa ku waari doona quluubta muslimiinta, lagu keydin doono safaxaatka dhalaalaya ee diiwaanada taariikhda. waxaad shaafiseen quluubta dadka muslimiinta ee indhaha idinku hayey quluubtana idinkala socday, kheyr iyo mala wanaagsanna idinka rajeynayey.”
Markale wuxuu yiri: “Mujaahidiinta waxaan leeyahay u diyaar garooba marxaladda cusub ee uu dagaalku gali doona, iskuna diyaariya waajibaatka culus kana weyn kuwii hore. Waxaa guul ah inuu maanta cadowgiina idiin qirayo inaad tihiin “dad cadowgooda garanaya in ka badan inta uu cadowgiina idinka garanayo” waxaa la idinka doonayaa inaad sahay ka dhigataan Taqwada Allaah, sabarka ku dadaashaan, ismaqal iyo is adeecid, walaaltinimada dhexdiina xoojisaan, Muslimiinta u nuglaataan, cadowga ku ad-adkaataan. Ku dadaala raadinta iyo dabagalka xogaha cadowgiina, iyo kordhinta macrifada aad u leedihiin, dhanka kalena ilaaliya oo xifdiya asraarta iyo xogaha howlgaladiina”
Ugu dambeyntii Sheekh Abuu Cubeyda ayaa bogaadiyey sida dadka Soomaaliyeed ay uga soo horjeesteen isku daygii ay xabashidu ku dooneysay inay ku qaadato badda Soomaaliya, wuxuuna yiri: “munaasabaddan aawgeed waxaan bogaadinayaa dareenka wanaagsan ee ay dadkeenu ka muujiyeen damaca Xabashida ay ku dooneyso iney ku qaadato baddeena.”
Wuxuu markale yiri: “Xabashidu intaa kuma harin walina wuu taagan yahay damaceeda gurracan ee ay ku dooneyso iney ku qabsato kuna qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed, waxaa hubaal ah in xamalaadka tansiiriga ah ama gaaleysiinta hada dalka ka socota ay udub dhexeed u tahay dowlada saliibiyada Itoobiya waxaa intaa dheer khamriga, xashiishka iyo daroogada ay dalka soo geliso xabashida saliibiiynta ah.”
Kalimadan oo dhameystiran ayaa laga sii daayay idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus.