Magaalada Ceelbuur ee xarunta u ah maamulka wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud waxaa maanta si cajiib ah looga dabaal-degay maalinta koowaad ee munaasabadda ciidul-adxaa, boqollaal ka mid ah bulshada reer Ceelbuur ayaa goob fagaare ah ku wada tukaday labada Rakcadood ee salaadda ciidda.
Masuuliyiin, culimo iyo waxgarad ayaa ka qayb galay munaasabadda ciidda, kalimaad kala duwan ayaa musallaha laga jeediyay kaddib dukashada labada rakcadood ee salaadda.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.