Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gumeystaha sahaayinada ah laga daadgureeyay xerada Etzion ee kutaalla koonfurta daanta galbeed, kadib markii uu dab xooggan ka kacay aaggaas.
Channelka 14-aad ee maamulka Yahuudda ayaa sheegay in dabka oo ahaa mid xooggan uu gaaray gudaha xerada, taasi oo keentay in 200 oo askar sahyuuniyiin ah lagala cararo xeradaasi.
Telefishinkaka ayaa intaas ku daray in maamulka Yahuudda uu qabo shaki ah in dabku yahay mid si ulakac ah loo kiciyay, halka goob joogayaal na ay sheegeen in ay arkayeen gawaari ay leeyihiin mustowdhiniinta Yahuudda ay ka qeyb qaadanayeen daad gureynta ciidankooda.
Ma ahan markii ugu horraysay oo uu dab ka kaco xero millatari oo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda, saddex cisho ka hor ayay ahayd markii uu dab xooggan ka kacay meel ku dhow saldhig ay ciidamada Yahuuddu ku leeyihiin deegaanka Mount Scopus ee bariga magaalada Quddus ee ay ixtilaalka ku haystaan Sahaayinda.