Maleeshiyaad ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, ayaa xirtay waddada aadda dhanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ee maamulka ashahaada la dirirka Puntland, ka dib markii ay sheegeen inaysan helin wax mushahaaraad ah.
Maleeshiyadan oo ah kuwa gadoodsan ayaa la sheegay inay xirteen waddada wayn ee aada dhanka deegaanka Bacaadweyn, waxayna halkaasi ku xayireen gaadiid badan oo u rarnaa dhanka gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Si gaar ah waxay maleeshiyadan murtadiinta ah ee ka tirsan maamulka Riddada Puntland jidgooyo ugu dhigteen gaadiidka xamuulka ah ee ka imaanaya dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee u raran dhanka gobollada dhexe, waxayna gaadiidleyda u sheegeen inaan muddo bilooyin ah la siinin wax mushaaraad ah.
Maleeshiyaadka murtadiinta ayaa inta badan ku kacaya falal liddi ku ah dadka shacabka ah, waxay na usii daran tahay marka ay waayaan mushaaraadka, kolkaas oo ay ku qamaamaan dadka rayidka ah, dhac iyo boobna isugu daraan hantida dadweynaha.