Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska dowladda Kenya iyo afar xubnood oo kale, ayaa lagu khaarajiyay iska hor’imaad culus oo laga soo tabiyay ismaamulka Meru ee waddankaasi Kenya.
Dhacdada ayaa timid markii ay isku dhaceen kooxo burcad Kenyaan ah iyo dad xoolo dhaqato ah, taasi oo keentay dhimashada shanta ruux ee uu ku jiro sarkaalka booliska iyo dhaawaca tiro kale oo intaas ka badan.
Dhacdadan, waxay si gaar ah uga dhacday deegaanka waqooyiga Igembe ee ka tirsan ismaamulka Meru, Sylvester Mangulu oo ah gudoomiyaha Kenya ugu magacaaban deegaanka ayaa xaqiijiyay dhacdada.
Kooxda burcadda ah ee weerarka lala galay, ayaa lasoo wariyay inay aagga uu iska hor’imaadku ka dhacay ka qaateen 159 neef oo xoolo ah, burcadda ayaa ka mid ah kooxaha hurdada u diiday dadka Kenyaanka ah, kuwaasoo sidoo kale dila saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya.
Dhanka kale, shilal gaaraya ilaa laba shil siyaabo kala duwan uga dhacay ismaamulka Kirinyaga ee dhaca bartamaha dalka Kenya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan laba xubnood oo Kenyaan ah.
Shilka kowaad ayaa lasoo wariyay in uu ka dhacay jidka dheer ee xiriiriya Sagana iyo Kagio, waxaa halkaas ku dhintay qof saarnaa mooto ku dhacday gaari nooca dadweynaha. halka midka labaad oo isagana ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Mwea iyo Embu, waxaa ku dhintay mid ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda.
Maydadka labada qof ayaa la geeyay xarumo caafimaad oo kuyaal islaamulka Kirinyaga, waxayna qayb ka yihiin shilal dhowr ah oo toddobaadkan gudahiisa ka dhacay ismaamullo ka tirsan Kenya, 6 maalmood ka hor ayay ahayd, markii dad Dahab ka qodanayay god kuyaal galbeedka dalka Kenya ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof.