Wararka ka imaanaya wilaayada Sh/hoose, ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan maanta lagu laayay tuulo hoostagta degaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye, halkaas oo dad rayid ah ay ku xasuuqeen murtadiinta.
Duqayntan cadowtooyo oo si gaar ah uga dhacday tuulada Balow ee u dhow Bariire waxaa inta la xaqiijiyay ku shahiiday inka badan 5 qof oo u badan caruur iyo waayeel, kuwaas oo ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, murtadiinta ayaana xasuuqan kala duldhacay dadkaasi abriyada ah, ka dib markii maanta lagu jabiyay dagaallo ka dhacay buundada Bariire.
Sidoo kale waxaa duqaynta cadowtooyo ku dhaawacmay 13 kale oo shacab ah, kuwaas oo la geeyay cisbitaallada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si loo dabiibo, waalidiinta iyo ehellada dadka rayidka ah ee la laayay ayaa warbaahinta kasoo muuqday iyaga oo qiireysan.
Dadka dhaawacyadooda la geeyay cisbitaallada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa qaar laga deyrinayaa xaaladdooda, halka qaarna la sheegay inayba ku dhinteen gudaha cisbitaallada.
Duqaynta cadowtooyo ee maanta ka dhacday duleedka Bariire, ayaa timid kaddib markii weerar ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen buundada deegaanka Bariire lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan Riddada, mujaahidiintuna ay dib usoo laabteen iyaga oo bad qaba markii ay jabiyeen cadowgooda saraakiil muhiim u ahaana dhagta dhiigga u dareen, caradii ay jabkaasi ka qaadeen ayaana keenay inay xasuuqaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulada Balow ee u dhow Bariire.