Dagaal culus oo lagu jabiyay maleeshiyada Riddada ayaa barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose, halkaas oo murtadiinta looga dilay ugu yaraan 31 askari.
Dagaalkan waxay ciidamada mujaahidiintu kaga hortagayeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maleeshiyo ka tirsan Riddada ka wadeen meel u dhow deegaanka Buul-xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo, waxay sidoo mujaahidiintu weerarkan kusoo qaniimeysteen hub, gaadiid iyo rassaas.
Gaadiidka gacanta lagu dhigay waa ilaa 4 Cabdi Bile, kuwaas oo dhamaantood ay qoryo ku rakiban yihiin.