Madaxweynaha dowladda saliibiyadda Kenya, William Ruto ayaa xilka ka xayuubiyay dhammaan xubnaha wasiirada ee xukuumaddiisa iyo sidoo kale waxay ugu yeeraan xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Ruto ayaa xubnaha golaha wasiiradiisa kasoo reebtay ninka ugu magacaaban wasaaradda arrimaha dibadda, kaasi oo lagu magacaabo Musalia Mudavadi iyo madaxa golaha wasiirada.
“Waxaan go’aansaday in aan si deg deg ah shaqada uga joojiyo dhamaan xubnaha golaha wasiirada iyo xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Kenya, marka laga reebo madaxa golaha wasiirada iyo wasiirka Arrimaha dibadda” waxaa sidaas yiri Ruto.
Ruto, ayaa sidoo kale sheegay in uu si caadi ah u shaqayn doono xafiiska madaxweyne ku xigeenka Kenya, isbeddelka uu sameeyayna uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin.
William Ruto, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yimid kadib markii uu dib u eegis ku sameeyay oo uu dhageystay cabashada dadka Kenyaanka ah, xubnaha la eryay ee wasaaradaha Kenya madaxda ka ahaa ayaana ka kooban 23 xubnood, waxaana ku jira wasiirka gaashaandhigga saliibiyiinta Kenya, Aadan Barre Ducaale.
Madaxweynaha saliibiyiinta Kenya, Ruto ayaa tan iyo markii uu billowday kacdoonka ballaaran ee ka dhanka ah dowladiisa wajahayay culayso siyaasadeed oo uga imaanayay gudaha iyo dibadda ah, golaha wasiirada ee uu maanta eryay ayuu ku eedeeyay inay gudan waayeen waajibaadkooda, oo ay waxqabad la iman waayeen.
waddanka Kenya, ayaa wajahaya azmo dhaqaale oo xooggan, waxay taasi keentay in la dhimo oo hoos loo dhigo mushahaaraadka shaqaalaha dowladda, heer dowladdaasi ay gaartay inay kordhiso canshuurta dadweynaha, kacdoon ballaaran oo ka dhan ah canshuurtaasi iyo dhaqaale xumadana ay ku baaheen ismaamullada kala duwan ee Kenya, taasi oo markii dambe Ruto ku dhalisay in uu ka laabto oo uusan saxiixin.