Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala dhulka muslimiintu leeyihiin ee Nfd, gaar ahaan gobolka Mandheera, waxay weerar dhabbagal ah u dhigeen kolonyo ciidamo kuffaarta Kenya oo ku socdaalayay halka loo yaqaano Waraha Hareer Jiire ee hoostaga degmada Baanasa ee gobolkaasi ka tirsan.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka jidgal uu markii dambe isku baddalay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo saliibiyiinta Kenya, waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan lagu dilay 9 askari oo Kenyaan ah, halka lagu dhaawacay 20 kale oo saliibiyiin ah, qaniimana waa lasoo furtay, waxaa xusid mudan in dowladda Kenya ay nolol iyo geeri ku ladahay 6 sarkaal oo ka tirsan ciidamadeeda gaarka ah.