Booliska dowladda kaafiradda ah ee Kenya, ayaa ka hadlay weerar culus oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen gobolka Mandheera ee dhulka NFD ee Kenya xoogga ku haysato.
Warbixin uu soo saaray booliska saliibiyiinta kenya, ayaa lagu sheegay in ugu yaraan afar saekaal oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan “Special Operations Group” lagu dilay weerarka kamiinka ah ee ka dhacay Waraha Hareer Jiire oo hoostagta degmada Baanisa ee ka tirsan gobolka Mandheera.
Lix sarkaal oo kale oo ka tirsan ciidamadooda gaarka ah ayay sheegeen in lagu dhaawacay howlgalkan barakaysan ee dhabbagalka ah, waxay sidoo kale sheegeen inay nolol iyo geeri ku la’yihiin shan sarkaal oo kale.
Ciidanka saliibiyiinta Kenya ee weerarkan lagu beegsaday ee magacooda loo soo gaabiyo SOG, ayaa ah koox hoostagta Ilaalada xuduudaha Kenya, waxaana ciidankan loo xilsaaray sugidda ammaanka xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.