Maxkamada islaamiga ah ee wilaayada Jubbada hoose, ayaa goob fagaare ah oo kuyaal degmada Jammaame xukun xaddu Riddo dil ah kula fulisay shan xubnood oo jawaasiis u ahaa sirdoonnada saliibiyiinta iyo midka murtadiinta.
Mujrimiintan oo ku kacay dambiyo ka dhan ah dadka muslimiinta, dadka muslimiinta ahna kusoo hoggaamiyay hayadaha ashahaada la dirirka ah ee sirdoonnada Maraykanka, Kenya iyo kan kooxda Riddada, ayaa si isku mid ah maxkamadda uga hor qirtay dambiyada ay ku kaceen.
Waxaa ugu dambayn maalin ka hor lagu khaarajiyay fagaaraha degmada Jammaame, halkaas oo ay soo xaadireen boqollaal ka mid ah bulshada ku dhaqan degmadaasi iyo tuulooyinka ku xeeran.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Jawaasiista.
1-Cali Xasan Cismaan oo ahaa 43 sana jir ayaa ubasaasayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.
2-Ismaaciil Cabdiraxmaan Cumar oo 44 sana jir ah, kaasi ahaa jaasuus u shaqeynayay sirdoonnada saliibiyiinta Mareykanka iyo Kenya.
3-Maxmed Xasan Maxamed oo ku magac dheeraa (Ajnabi), kaasi oo ahaa 26 sano jir, kaasi oo ahaa nin jaasuus ah oo u shaqeynayay sirdoonka maamulka Riddada Jubbaland.
4-Maxamed Kimamni Jirimaaya (Yuusuf Roogow) oo 32 jir ahaa , kaasi oo basaas u ahaa sirdoonka saliibiyiinta Kenya.
5-Farxaan Cumar Sheekh Warsame oo 24 jir ah, kaasi oo u basaasayay sirdoonka saliibiyiinta Kenya.