Madaxweynaha dowladda dabadhilifka ah ee Turkiga, ayaa baarlamaanka daaquudka ah ee dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku doonayo in ciidamo iyo maraakiib dagaal ugu soo diro Soomaaliya, ay u fuliyaan danaha Turkiga ee Soomaaliya.
Recep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka u gudbiyay mooshinka uu ku dalbanayo in la oggolaado in maraakiib dagaal iyo ciidamo badeed Turki ah loo diro Soomaaliya, si ay uga sameeyaan shidaal baaris sharci darro ah.
Codsiga Erdogan ayaa yimid markii wasiirka wasaarada Tamarta Turkiga uu sheegay in sanadkan gudihiisa uu Turkigu usoo dirayo xeebaha Somalia markab shidaal baaris ah, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii kooxda Riddada, badda umadda Soomaaliyeed ugu wareejisay dowladda Riddada ah ee Turkiga.
Hoggaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta ayaa uga digay dowladda Riddada ah ee Turkiga in ay isku daydo boobka kheyraadka Somalia, waxayna xarakadu shacabka soomaaliyeed ugu baaqday in ay difaacdaan baddooda iyo berrigooda.