Taliska ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa soo saaray warsaxaafadeed deg deg ah, kaas oo lagu faahfaahiyay weerarada cagmarinta ah ee mujaahidiintu saaka kula jarmaadeen saldhigyada murtadiinta ee deegaannada kala ah Buulo-xaaji, Harboole iyo Miido.
Warsaxaafadeedka taliska ciidanka waxaa lagu sheegay in saddexda saldhig ee ay mujaahidiintu cagta mariyeen ay ku kala sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah oo isugu jira waxa loogu yeero federaalka, iyo kuwa Jubaland. kuwaas oo tiradoodu gaarauso 2,500 oo askari, qaybna ka ahaa duullaanka ashahaado la dirirka ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu kusoo qaadeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay qayb ka ahaayeen diyaradaha saliibiyiinta kuwaas oo hawada ka taageerayay murtadiinta, balse Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiinta ku taqadumeen difaacyada murtadiinta.
Taliska ayaa sidoo kale faahfaahiyay kamiinada ka dhacay duleedka Kismaayo ee lagu beegsaday gurmadka Riddada, khasaaraha horudhaca ah ayuu talisku xaqiijiyay in uu yahay 71 murtadiin ah oo isugu jira saraakiil iyo askar, maxaabiis murtadiin hub, gaadiid iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah in la qabtay ayuu xaqiijiyay talisku.
Halkan Ka Dhagayso Bayaanka Taliska Ciidanka.
Halkan ka degso bayaanka Taliska ciidamada.
Ama hoos ka akhriso Warsxaafadeedka taliska.