Khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay dhul go’ xooggan oo laga soo calaamadiyay deegaan dhaca ismaamulka koonfurta dalka Itoobiya.
Dhul go’an ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Gofa oo degmo ahaan hoostaga Kencho Shacha Gozdi ee ismaamulka Koonfurta Itoobiya, sida ay xaqiijisay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya.
Dhul go’an ayaa lasoo wariyay in uu gallaaftay nolosha inka badan 20 qof oo Itoobiyaan ah, dhul go’a ayaa la sheegay in uu dhacay maanta oo Isniin ah.
Guddoomiyaha degmada Misikir Mitku, ayaa wargayska Addis Standard u sheegay in inka badan 20 maydad ah la helay, wuxuuse sheegay in ay kordhi karto dhimashada, maadaama ay jiraan dhaawacyo badan.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada oo laga soo qaaday aagga uu dhul go’u ka dhacay ayaa muujinayay dhismeyaal dumay iyo burburka gaaray dhul baaxad leh.