Ra’iisul wasaaraha dowlada xabashida Itoobiya, Abiy Axmed oo dhawaan kulan gaar ah la yeeshay xisbiyada siyaasadda ee dalkiisa ayaa sheegay in haddii xisbiga loo soo gaabiyo TPLF ee Tigreegga uusan iska diiwaan gelin gudigga doorashada qaran ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo (NEBE) aan loo ogolaan doonin in uu ka qayb galo doorashada 7-aad ee qarankiisa.
Guddigan doorasho ee Itoobiya ayaa sharciyadda kala noqday (TPLF) ka dib markii uu qarxay dagaalka waqooyiga Itoobiya ee uu hor boodayay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.
Ra’iisul wasaaraha xabashida Abiy Axmed ayaa hoggaamiyeyaasha xisbiyada uu la kulmay ee mucaaradka ah u sheegay inay u muuqdaan saan saanta dagaal kale oo ka qarxa gobolka Tigray, taasna ay sabab u tahay inaysan iska diiwaan gelin gudiga doorashada guud ee Itoobiya.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli TPLF aysan wali iska diiwaan gelin (NEBE0, taas baddalkeedana ay dhowaan shaacisay inaysan hubka dhigi doonin intaba aysan hub ka dhigis samayn ismaamullada qaar, sidoo kalena aan gobolka laga saarin ciidanka millatariga Itoobiya iyo kuwa Eritera.